4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2018
Baarlamaanka dowlad deegaanka oo xasaannadii ka qaaday xubno uu ka mid yahay Cabdi Maxamuud Cumar

 

Isniin, August, 27, 2018 (HOL)- Fadhi golaha baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku yeesheen magaalada Jigjiga maalintii shalay ayaa xasaannada lagala noqday 7 xubnood oo horay uga tirsanaa xisbiga tallada haya oo uu mid yahay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Laakiin dhamaan lama wada shaacin magac-yada xubnahan xasaasannada lagala noqday, hasse ahaatee hogaamiyaha xisbiga taallada haya ee dowlad deegaanka Soomaaliya Ahmed Shide ayaa sheegay in shaqsiyaadkan laga saaray ka mid ahaan-shaha golaha iyo maamulka intaba la rumeysan yahay in ay ka danbeeyeen rabashadihii gobolka ka dhacay oo ay ku dhiteen boqolaalka ruux.

Cabdi Maxamud Cumar oo horaantii bishan laga qabtay magaalada Jijiga kaddib markii ay gudaha u galeen ciidamada federaalka Itoobiya ayaa la filayaa in uu maxkamad ka soo hor muuqdo isaga oo lagu soo oogi doono dacwado kala duwan.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo ka hadlay arinta Cabdi Maxamuud Cumar ayaa yiri’’ Sharciga ayeey u taallaa waxa laga yeelayo isaga iyo shaqsiyaadkii kale ee ka danbeeyay rabashadaha’’

Baarlamaanka dowlad deegaanka ayaa sidoo kale shalay isku raacay in Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar uu noqdo madaxweyne ku-xigeenka dowlad deegaanka ahn ku simaha madaxweynaha inta laga gaaray doorashada soo socta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]