4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2018
Theresa May oo isku diyaarineysa booqasho Qaarada Africa ah tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay

 

Isniin, August, 27, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa isku diyaarineysa socddaalkeedii ugu horeeyay  oo ay ugu anbabaxey-so qaar ka mid ah wadamada Qaaradda Africa tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay sanadkii 2016ka.

Tallaadada Berri ah ayaa la filayaa in ay u dhoofto dalka Koonfur Africa ka hor intaysan tagi dalalka Kenya iyo Nigeria socdaalkan oo qeyb ka noqon doona xoojinta xiriirka dhinaca ganacsiga ee qaarada kala dhaxeeya UK.

Theresa May ayaa sheegtay in ay socdaalka uu noqon doono fursad u gaaray Britain salka ku haya iskaashi iyo xiriir la yeesho wadamada qaaradda Africa, iyadoo xiligan UK isku diyaarineyso ka bixitaanka midowga Yurub marka la gaaro sanadka 2019ka.

Ma’aha oo kaliya socdaalkeeda mid ku saleyn uun dhinac dhaqaale, laakiin amniga ayeey la soo hadal qaadi doontaa wadamada uu qorshuhu yahay in ay socdaalka ku tagto, gaar ahaan marka la eego khatarta Kooxda Boka Haraam ee ka dagaalanta dalka Nigeria iyo kaalinta ciidamada Britain ee fadhigoodu yahay dalka Kenya, kuwaa oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada oo ay Al-shabaab ka mid yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]