4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2018
Saddex qof oo lagu dilay gobolka Florida ee dalka Mareykanka

 

Isniin, August, 27, 2018 (HOL) – Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay dad ka qeybgalay tartanka cayaaraha Komputarka [video game] magaalada Jacksonville ee gobolka Florid., sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska gobolka.

Saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay weerarkaasi ku dhinteen halka Toban ruux kalana la dhiggay iyaga oo dhaawac ah goobaha caafimaadka, dadka dhintay waxaa ka mid ah qofkii toogashada geystay.

Gaar ahaan toogashadan ayaa lagu waramayaa in ay ka dhacday gudaha dhisme caan ku ah cayaaraha madadaallada ah oo sida Online-ka ah loo cayaaro ama Video Game –ka ay dadku ku madadaashaan.

Ninkan oo da’diisa lagu sheegay 24 sano jir lagu-na magacaabo David Katz ayaa la rumeysan yahay in uu isaga is toogtay kaddib markii falkan geystay.

Dalka Mareykanka marka la eego weerarradan noocan ah waa kuwo caadi ka noqday, horraantii sanadkan ayay ahayd markii wiil 19 jir ah uu rasaas ku furay iskuul uu dhigan jiray oo ku yaal magaalada Parkland, halkaasi oo uu ku dilay 17 arday iyo qof shaqaale ka ahaa iskuulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]