4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2018
Taliyaha hay'adda sirdoonka dalka Sudan oo Muqdisho soo gaaray

 

Isniin, August, 27, 2018 (HOL) - Taliyaha hay’adda Nabad-sugida Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhaweeyay maanta magaalada Muqdisho, taliyaha hay’adda sirdoonka dalka Sudan Gen. Salah Abdalla Mohamed (Salah Gosh)

Warkan oo lagu daabacay bogga sida goor dhow lagu shaaciyay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa soo dhaweeyay wafdi uu horkacayay taliyaha hay’adda Sirdoonka dalka Sudan (NISS) oo booqasho rasmi ku yimid magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ka socta dalka Suudaan ayaa markii danbe la geeyayxrunta Taliska Nabadsugida Ex guriga Habar Khadiijo halkaasoo wada hadalo kula leeyihiin Hoggaanka Hey’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada Xasilinta ay xireen dhowr waddo oo halbowle u ah isu socodka xaafadaha Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya xiriirka wada shaqeyn oo ay yeelan karaa waxaana booqashadan ay ka danbeysay kulan dhowaan magaalada Khartoum ku dhex maray Taliyaha Nabad-sugida Sudan Salah Gosh iyo Fahad Yaasiin Taliye ku-xigeenka Nabadsugida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]