4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Haweeney Soomaaliyeed oo laga soo saaray Buro culeys-keedu dhan yahay 9kg


Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Sida uu warbaahinta sheegay dhakhtarka fuliyay qalinkan oo lagu magacaabo Axmed Abdel Jelel haweeneyd ayeey dhibaatada xannuunkani heysatay muddo ka badan 10 sano.

Maryan Sheekh Abuukar oo 54 sano jir ah, waxaa ay ka timid tuullada lagu magacaabo Jameeco ee gobolka Shabeellaha Hoose, waana qofka qaliinka lagu sameeyay ee laga soo saaray burcad oo ka haleeshay Riximka ama ilmo Galleenka, waxaana ay uga mahad celiysay adeegan loo qabtay dhakhaatiirta Isbitaalka Somali Syrian.

Warbaahinta ayeey u sheegtay in xannuunka burada ay meel badan oo ay tagtay loo sheegay in aan dalka gudihiisa wax-ba looga qaban karin, laakiin ugu danbeyntii lagu guuleystay in laga soo saaro.

Dr. Jelel ayaa sheegay in buradan noqoneyso tii ugu weyneyd ee uu abid arko isagoo xusay in ay haweeneyda laga qalay kaga tiilay meel halis ah, balse qaliin saacado badan qatay kaddib lagu guuleystay in laga soo saaro

Agaasimaha qeybta caafimaadka ee Isbitaalka Somali Syrian Dr. Xuseen C/casiis ayaa sheegay buradan ay tahay tii ugu weyneyd mudooyinkan ee lagu soo saaro qaliin lagu sameeyey gudaha Somalia.

Agaasimaha ayaa sheegay in Isbitaalka Somalia Siiriyaan ay ka howl galaan dhaqaatiir ku taqasusay cudurada guud, Maqaarka, Cunaha, Sanka iyo Afka, Caruurta, Indhaha, Neerfaha, Dhalma la’aanta, Haweenka, Qaliinka guud iyo Dhaqtarka Kaliyaha oo taqasus gaar ah leh.

Soomaaliya guud ahaan marka la eego sanadihii ugu danbeeyay waxaa ku soo badanayay dhakhaatiirta ajnabiga ah kuwaa oo dadka u qabta adeegyo caafimaad oo markii hore dhif iyo naadir aheyd in wax looga qabto gudaha dalka Soomaaaliya. 

Haween-ka Soomaaliyeed ayaa inta badan ka cawda xannuunada Uur ku jirta, burooyin-kuna waxaa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dhinaca caafimaadka ah ee la soo darsa dumarka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]