4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Faysal Cali Waraabe“Kililka shanaad in cadaalad lagu maamulo ayuu u baahan yahay “

Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynihii hore ee Kililka shanaad ku eedeeyey inuu tacadiyo ka sameeyeen deegaanka, isla markaana ugu baaqay in dhulka cadaalad lagu maamulo, maadaama oo shantii soomaaliyeedba deegaanka ku wada nool yihiin.

Faysal Waxa uu sidaas ka sheegay mar uu ka warbixinayey safar uu ku tagay Kenya oo uu kula kulmay qaadhaanbixiyeyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne Biixi ka dalbaday in aanay dib u dhicin doorashadii Baarlamaanka iyo golaha deegaanka oo uu la xaajoodda xisbiga WADDANI si aanay ceeb ugu noqon Somaliland inay mar kale dib uga dhacdo doorashadaasi.

Waxa kale oo uu kahadlay taliye ka goostay ciidanka Somaliland oo Puntland saldhig uu ciidan ku ururiyo ka samaystay, waxaanu taliyaha usoo jeediyey inuu wada hadalka ogolaado oo uu dawladda la heshiiyo.

“Arrinta Taliye Caare waxay ahayd arrin la quudhsaday, waxay ahayd in lagu daro arrintii Ceel afweyne nabada laga waday, nabadii la waday in lagu daray ayey ahayd, Caarre waxaan leeyahay Somaliland way jiraysa oo nin kolba dhinac u dusdusayaa ma burburin karo, waa inaad qaadata wada hadalka laguu furey, maalintaad kaligaa ahayd aniga idhi yaan la taaban oo madaxweynaha u tagay oo ku idhi ninkaasi yaan la taaban arrintiisa ha loo kaadiyo tolkiisii baa qaban doonnee, Somaliland waxba ma yeeli kartid ee adiga uun baa is ceebaynaya”ayuu yidhi Faysal oo arrinta taliyaha goostay ka hadlayey.

Faysal Cali Waraaabe waxa uu hambalyeeyey gudoomiyaha cusub ee loo doortay xisbiga dimuqraadiga soomaalida Itoobiya Axmed Shide oo uu ku tilmaamay nin aqoonyahan ah oo xilkaasi qaban kara.

Mar uu ka hadlayey dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya waxa uu yidhi “Soonaha shanaad 60% baa dadkeena ku nool, dhulkaasi waa dhul shantii soomaaliyeedba ku jiraan, illaa mooyaale ilaa Lawyo caddo, koone ilaa koone ayaa wada degga, dhulkaasi waxa lagu noolaan karaa iyadoo si cadaalad ah lagu xukumo, qoloodii hore ee Cabdi Maxamed Cumar wuxuu ahaa xukun tacadi badan keenay oo taariikhda aan lagu hayn meel uu dunidda uu ka dhacay tacadiga ka dhacay deegaankaasi soomaalidda”

Sidoo kale waxa uu soo jeediyey in xidhiidh wanaagsan lala sameeyo soomaalida Itoobiya oo uu tilmaamay in aan marna la kala maarmi Karin, waxaanu xusay in Jabhaddii ONLF uu la kulma oo uu Hargeysa ku casuumay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.