3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Yurub oo Indhaha ka Laabanaysa Muhaajiriinta

 

Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Koox gurmadka qaabilsan oo reer Yurub ah ayaa sheegtay in muhaajiriin ku xannibnaa badda Mediterraneanku ay u sheegeen in 5 markab ay iyaga iska dhaafeen oo diideen inay caawiyaan, ilaa markii kooxdani ay ugu dambeyn soo badbaadisay maalintii Jimcihii.

Aloys Vimard oo ka tirsan ururka SOS Mediterranne ayaa Axaddii shalay sheegay in ay khatar ku jiraa mabaadi’dii lagu kaalmeynayey qof dhibaato ku jira. Waxa u intaas ku daray in siyaasadaha muhaajriinta lagaga niyad jabinayo inay Yurub yimaaddan ay keenayaan dhibaato badan safaro khatar leh oo dad markoodii horeba xaalado xun xun ku jiray ay Yurub u soo galayaan.

Vimard ayaa sheegay in maraakiibtu ay dadkan uga tagayaan iyaga oo ka baqaya in loo diido inay ku xirtaan xeebaha dalalkaas marka ay dadkani maraakiibtaas saaran yihiin.

VOA













Click here
8/13/2018 2:14 PM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Sida uu warbaahinta sheegay dhakhtarka fuliyay qalinkan oo lagu magacaabo Axmed Abdel Jelel haweeneyd ayeey dhibaatada xannuunkani heysatay muddo ka badan 10 sano.

8/13/2018 1:02 PM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Puntland ayaa fartay hay'adaha ammaanka in gacanta lagu dhigo hanti iyo gaadiid kasta oo lala soo goostay lagana leeyahay dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan Itoobiya.

8/13/2018 12:55 PM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Deegaanka Cali Buuleey oo qiyaastii 30 km dhanka xuduudda Kenya ka xiga deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose ayaa lagu soo warmaayaa in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ku gubeen xarun ay halkaasi ku lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud.

8/13/2018 11:03 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynihii hore ee Kililka shanaad ku eedeeyey inuu tacadiyo ka sameeyeen deegaanka, isla markaana ugu baaqay in dhulka cadaalad lagu maamulo, maadaama oo shantii soomaaliyeedba deegaanka ku wada nool yihiin.

8/13/2018 9:45 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ereteriya Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

8/13/2018 8:21 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Qaar amid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen uga hadlay dhacdo dil ah oo dhawaan loo geystay Ganacsato iyo aqoonyahan reer Buuhoodle ah kuwaas oo sida ay sheegeen ka mid ah dadka isbadalka Horumarineed ka waday deegaanadaasi.

8/13/2018 8:02 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Qof u dhashay dalka Taiwan oo dalxiise ahaa ayaa lagu so waramayaa in uu dhintay kaddib markii ay qaniintay jeer xili uu sawirro isaga qaaday meel xeebra Naivasha dalka Kenya.

8/13/2018 3:09 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)-Wafdi heer sare oo uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Eritrea ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

8/13/2018 2:03 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabada lagu maamuusayay 12ka August oo ku beegan maalinta dhalinyaradda aduunka ayaa u digay mas’uuliyiinta dowladda eek u kacaya musuq-maasuqa.

8/13/2018 1:42 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo ay ku dajinayso suuqyada ka dib markii qiimaha lacqagtoodu uu meeshii ugu hoosaysay ka gaaray suuqyada saamiyada ee Aasiya.

8/13/2018 1:32 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Wafdi heer sare ah oo ka socda Ururka hubeysan ee ONLF ay xalay ka degan magaalada Addis Ababa ee dalka.

8/13/2018 12:54 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL) – Iyadoo shalay ay ku beegneyd 12 August maalinta dhalinyaradda aduunka ayaa dhinaca kale degmada War-Dheegley ee gobolka Banaadir waxaa lagu qabtay munasabad lagu soo xiray gabdho Soomaaliyeed oo la baray xirfado ay ku shaqeystaan sida qorista Af-Soomaaliga, Xisaab iyo Kambiyuutar sida ay Hiiraan Online u sheegeen howlwadeennada tababarka.

8/13/2018 12:30 AM EST
Isniin, August, 13, 2018 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta dhallinyarada aduunka (Agoosto 12) ayaa 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed u sameeyay ballan qaad shaqo.