4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Xukuumadda oo u digtay mas’uuliyiinta dowladda ee musuq maasuqa ku kacaya

 

Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabada lagu maamuusayay 12ka August oo ku beegan maalinta dhalinyaradda aduunka ayaa u digay mas’uuliyiinta dowladda ee ku kacaya musuq-maasuqa.

“Waxaanan aqbali doonin in dalkaan musuq maasuq lagu dhaqo, waxaan halkan ka cadeynayaa halkan farriin uga dirno qof waliba oo Soomaaliyeed ama Wasiir ahaaw ama ruux kale ahaaw oo xil uga hayo dowladda, oo ku fekerayo in uu ka shaqeeyo lunsashada hantida Qaranka oo ku fekeraayo musuq maasuq inuu sameeyo, waxaan kuu sheegaa inaadan calfan doonin” ayuu yiri Khayre.

Hadalka ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa imanaya maalmihii ugu danbeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda loo xiray qaarkood-na looga joojiyay shaqada arrimo la xiriira musuq maasuq iyo wax is-daba-marin waxaana ugu danbeeyay wasiir ku-xigeenkii wasaaradda arrimaha dibedda Mukhtaar Mahad Daa’uud oo shaqo joojin lagu sameeyay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in uusan qof ka tirsan dowladda oo loo cafinayo musuq maasuq iyo in lagu takri-falo hantida dadweynaha, isaga oo amray hay’addaha garsoorka in ay waajibkooda fushadaan la xiriira wax ka qabashada iyo daba-galka mas’uuliyiinta dowladda eeku howlan musuq-maasuqa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]