4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Ciidamo Kenya ka tirsan oo gubay xarun ay shirkadda Hormuud ku lahayd Deegaan ka tirsan gobolka J/hoose

Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–
Deegaanka Cali Buuleey oo qiyaastii 30 km dhanka xuduudda Kenya ka xiga deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose ayaa lagu soo warmaayaa in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ku gubeen xarun ay halkaasi ku lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud.

Dadka deegaanka ayaa HOL u sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya gaar ahaan kuwa ka hortagga argagixisada (Ant-terror) ay amar ku siiyeen shaqaalihii shirkadda ee halkaasi ku sugnaa in ay isaga baxaan, kadibna ay dab qabadsiiyeen.

Dhawaan ayay ahayd markii deegaan hoostaga degmada Ceelwaaq sidan oo kale ay ciidamada Kenya ugu gubeen xarun ay lahayd shirkadda Hormuud.

Masuuliyiinta shirkadda weli arrintan kama hadlin, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ama dowladda dhexe oo ka hadlay.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya u bartilmaameedsanayaan xarumaha shirkadda Hormuud ee qeybo ka tirsan gobollada Jubooyinka.

Dhacdadii lagu gubay xarun ay shirkadda Hormuud ku lahayd gobolka Gedo ayay golaha wasiirada Jubbaland dhawaan u saareen guddi, si ay usoo baaraan, waxaana guddiigaasi oo ah heer wasiir ay sheegeen in ay sameyn doonaan baaritaanno ku aadan dhacdooyinka lagu eedeeyay ciidamada Kenya in ay ka geysteen qeybo ka tirsan Jubbaland.

Hiiraan Online News Desk.