4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Puntland "Waxaan go’aan-sanay in la bad-baadiyo hantida lagala soo goosanayo shucuubta kala duwan ee Itoobiya"

Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Puntland ayaa fartay hay'adaha ammaanka in gacanta lagu dhigo hanti iyo gaadiid kasta oo lala soo goostay lagana leeyahay dowladda deegaan-ka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan Itoobiya.

"Puntland waxaa ay ka xun tahay xaalada amni ee ka aloosantay dawladd deegaanka Soomaalida Itoobiya ( DDSI) iyo isbadelada sababay dhimasho, dhaawac iyo hanti burbur dhaqaale, sidoo kale  Puntland waxay ka xun tahay dagaallada ahliga ah ee ka dhex qarxay qowmiyaddaha Soomaalida iyo Oromada, arrintaas oo ah mid laga murugoodo in ay maanta shacab aan waxba galabsan dhimanayaan." ayaa lugu yiri war-saxaafadeed  ka soo baxay Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa inta ku daray "Puntland waxay la wadaagaysaa Umadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland inay jiraan hanti gaadiid ah oo laga leeyahay Dawladd Deegaanka Itoobiya oo kusoo qulqulaya xuduudaha Soomaaliya ay la wadaagto Dawladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI).Hadabba Dawladda Puntland waxay go’aan-satay in la bad-baadiyo hantida lala soo goosanoyo ee ay leeyihiin shucuubta kala duwan ee Itoobiya.. Puntland waxay ka mamnuucday in ay soo galaan gudaha Puntland hanti iyo gaadiid lagala soo goostay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.

Gabgabadii, war-saxaafadeedka waxaa lugu caddeeyay Puntland inay la tiigsan doontaa sharciga cidkasta oo lagu qabto hanti iyo gaadiid laga leeyahay deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) iyo guud ahaan Itoobiya

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online