4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Turkiga oo qaadaya tallaabo suuqa lagu dajinayo

 

Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo ay ku dajinayso suuqyada ka dib markii qiimaha lacqag-toodu uu meeshii ugu hoosaysay ka gaaray suuqyada saamiyada ee Aasiya.

Faah faahinta tallaabadaas ayaa wax yar ka dib la shaacin doonaa, sida uu wargaeyska Turkiga ka soo baxa ee Hurriyet u sheegay wasiirka maaliyadda.

“Subax-nimada Isniinta iyo wixii ka dambeeya-ba hay’adahanagu waxay qaadi doonaan tallaabooyinka muhiimka ah, waxa aan shaacinaynana suuq-yada ayaan la wadaagi doonaa,” ayuu yiri Berat Albayrak.

Jamcihii ayay lacagta Turkiga ee Iira lumisay 20% qiima-heedii marka lagu sarifayo doolarka. In kabadan 40% ayayna qiimo beeshay sannadkii hore.

Albayrak ayaa sheegay in dalku uu si degdeg ah wax uga qaban doono arrintaas” isla markaas-na ay qorshaha ugu jirto in ay gacan siiyaan bangiyada iyo gancsatada yaryar iyo kuwa meel dhexaadka ah, kuwaas oo ay saamaynta ugu wayn ku yeelatay qiima dhaca ku yimid lacagta Iira.

Ballan qaadkan ayaa yimid ka dib markii madaxweyneha Turkigu uu qiima dhaca lacagta dalkiisa ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dalkiisa.

Recep Erdogan ayaa mar kale ku baaqay in dadka Turkida ah ay gadaan doolarka ay hayaan oo ay ku iibsadaan lacagta Iira-da si loo xoojiyo sarifka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]