Tartan kubadda cagta ah oo u dhexeeya kooxaha heerka 1-aad oo ka furmay Garbahaareey [SAWIRRO]
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Tartankan oo ay ku loolami doonaan ilaa 16 kooxood oo kamid ah kooxaha heerka 1-aad ee degmadaasi ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka iyo xiriirka kubadda cagta degmadaasi oo kaashanaya wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland.
Gudoomiyaha Xiririka kubadda cagta Garbahaareey Mudane Salaad oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in qabsoomidda tartanka ay ka taageereen maamulka degmada iyo wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland, isagoo sheegay in tartamada noocan oo kale ah ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dhalinyarada.
Munaasbaddii furitaanka tartanka ayaa waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka degmada Garbahaareey Mudane Aadan Siraad Max’uud, isagoo sheegay in ujeedka tartanku yahay in lagu dhiirigelinayo nabadda iyo isdhexgalka bulshada.
“Sidaad la socotaan Isboortigu waa astaanta nabadda iyo isdhexgalka bulshada, waxaan dooneeynaa in dhalinyaradu ka mashquulaan falalka xun xun oo ay u jiheystaan dhanka nabadda iyo horumarka,” ayuu hadalkiisii raaciyay.
Degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ee kasoo kabanaya dhibaatooyinkii ay dhaxalsiiyeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Madaxweyne Farmaajo oo booqday xero lagu tababaro ciidamada xoogga dalka
- Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta Rohingya
- Xildhibaanno ku eedeeyay xukuumada baaqashada fadhigii maanta ee baarlamaanka
- Darawalka guddoomiye ku-xigeenka degmadda Dharkenley oo la dilay kaddib markii la weeraray gaari uu lahaa guddoomiyaha
- Kulankii Baarlamaanka dowladda ee maanta looga hadli lahaa arrinta Qalbi-Dhagax oo kooram la’aan u baaqday
- Muwaadin Mareykan ah oo maxkamad ka hor-qirtay in uu xiriir la lahaa Al Shabaab
- Faah-Faahin: Wiil timo-jara ah oo xalay lagu dilay Magaalladda Muqdishu
- Cumar C/Rashiid “Xukuumaddii aan RW ka ahaa Ethiopia lama gelin heshiis la isku-weydaarsanayo Maxaabiis”
- Amiirka Qatar iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga oo ka wada-hadlay xiisadda Diblomaasiyadeed
- Baarlamaanka oo maanta si adag uga doodi doono go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax
- Al Shabaab oo sheegatay dilka askari curyaan ah oo ka tirsanaa ciidamada Booliska ee dowladda
- Ammaanka Magaalladda Baydhabo oo la adkeeyay kaddib Qarax shalay ka dhacay Magaalladda
 (1).jpg)
 (2).jpg)
 (3).jpg)
 (4).jpg)
 (5).jpg)