4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Faah-Faahin: Wiil timo-jara ah oo xalay lagu dilay Magaalladda Muqdishu

 
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Rag hubeysan ayaa xalay nawaaxiga xarunta Degmada Warta Nabadda, ku dilay wiil dhallinyara ah oo la sheegay in uu ahaa Timo-jare, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen.

Laammaha ammaanka ee degmadda Warta-nabada, oo howlgallo sameeyay ayaan la oggeyn cidii ay kusoo qabteen.

Dilka wiilka dhillinyarada ah waxaa uu kusoo beegmayaa xili kooxo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay xalay duleedka Magaalladda Muqdishu ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ee dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo u dhow Degaanka Sarkuus, ee dhaca duleedka caasimada.

Askariga la dilay, ayaa sida la sheegay waxaa uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee Saldhig Galbeed, waxaana lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Maxamed.

Dhinaca kale Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, oo Khamiistii golaha Wasiirradda warbixin dhanka amniga ah siinayay ayaa sheegay in ammaanka dalka Soomaaliya uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaallo lagu sii xoojinayo.

Wasiirka ayaa sheegay in magaalladda Muqdishu iyo gobollada dalka ay ka socdaan howgallo lagula dagaallamayo Al Shabaab iyo kooxaha kale.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia