9/26/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Ammaanka Magaalladda Baydhabo oo la adkeeyay kaddib Qarax shalay ka dhacay Magaalladda


 
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Inta la ogyahay saddex qof oo uu ku jiro qofkii is-Qarxiyay, ayaa ku geeryooday Qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed, waxaa ay xaqiijiyeen in saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen Qaraxa.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed, ayaa warbaahinta gudaha magaalladda Muqdishu u xaqiijiyay in qof miineysan uu isku-Qarxiyay nawaaxiga makhaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo kutaalla bartamaha Magaalladda.

“Qaraxa waxaa ku dhintay dad shacab ah, waxaan Alle uga baryeynaa kuwii ku dhintay in uu Jannada ka waraabiyo, kuwii ku dhaawacmayna uu caafiyo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.

Goobtii Qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray saraakiisha laamaha ammaanka, kuwaas oo qiimeyn ku sameynayay khasaaraha, waxaana ay ku baaqeen in la xoojiyo ammaanka guud ahaan deegaannada maamulka-Koonfur-galbeed.

Ciidamada ammaanka Magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa Xalay illaa maanta baaritaanxo Xoog leh ka wada xaafaddaha kala duwan ee Magaalladda Baydhabo. 

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalladda.

Bishii April ee sanadkan, kooxo hubeysan ayaa bam-gacmeen ku tuuray fariisin ciidanka maamulka koonfur-galbeed ay ku leeyihiin xaafadda Buulo Usleey oo ka mid ah xaafadaha magaalladda Baydhabo. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia





Post your comments

9/9/2017 12:39 PM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

9/9/2017 11:07 AM EST
Sabti, September,09, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar.

9/9/2017 9:57 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) – Kulankii baarlamaanka ee maanta oo ahaa mid siweyn bulshada Soomaaliyeed isha uga wada hayeen lana filayay in looga dooddo go’aankii xukuumada Soomaaliya ay ka qaadatay Ururka ONLF iyo ku wareejintii dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa kooram la’aan u baaqday.

9/9/2017 6:11 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan oo la socday gaari nooca raaxada ah ayaa weerar ku qaaday gaari uu leeyahay Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Dharkiinley.

9/9/2017 6:07 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Tartankan oo ay ku loolami doonaan ilaa 16 kooxood oo kamid ah kooxaha heerka 1-aad ee degmadaasi ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka iyo xiriirka kubadda cagta degmadaasi oo kaashanaya wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland.

9/9/2017 5:46 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kulankii maanta ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa uu u baaqday kooram la’aan, sida uu sheegay Jawaari.

9/9/2017 2:34 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Muwaadin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Maalik Alim Jones, oo 32-jir ah, ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in uu taageero siiyay, kana mid ahaa dagaalyahannada Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

9/9/2017 2:09 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Rag hubeysan ayaa xalay nawaaxiga xarunta Degmada Warta Nabadda, ku dilay wiil dhallinyara ah oo la sheegay in uu ahaa Timo-jare, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

9/9/2017 1:49 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa beeniyay in dowladdii hore ee uu ra'iisul-wasaaraha ka ahaa ay Ethiopia la gashay heshiis ay labada dal isku-weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.

9/9/2017 1:13 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Dowladda Qadar iyo xulafadda uu hoggaamiyo Sacuudiga, ayaa waxaa muddo dhowr bilood ah ka dhax-taagan xiisad diblomaasiyadeed, oo meeshii ugu sareysay gaartay.

9/9/2017 12:57 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kulanka maanta ee Baarlamaanta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax, sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

9/9/2017 12:37 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa xalay duleedka Magaalladda Muqdishu ku dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ee dowladda Soomaaliya, sida dadka deegaanka ay sheegeen.