4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Al Shabaab oo sheegatay dilka askari curyaan ah oo ka tirsanaa ciidamada Booliska ee dowladda

 
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa xalay duleedka Magaalladda Muqdishu ku dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ee dowladda Soomaaliya, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo u dhow Degaanka Sarkuus, ee dhaca duleedka caasimada.

Askariga la dilay, ayaa sida la sheegay waxaa uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee Saldhig Galbeed, waxaana lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Maxamed.

“Marxuum Cumar, waxaa uu ahaa nin curyaan ah, mid kamid ah lugihiisa ayaana go’naa, kooxdii dilka geysatay waxaa ay ka baxsadeen goobta”, qof kamid ah dadka deegaanka oo diiday magiciisa in la xuso ayaa sidaasi Hiiraan Online u sheegay.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay in deegaanka Weedow ee duleedka Muqdishu ay ku dishay taliyihii Nabadsugida ee deegaanada Tareedisho iyo Kax-shiikhaal ee duleedka magaalladda Muqdisho, waxaana qofka ay dileen magiciisa ay kusoo koobeen Cumar Khadar.

Ciidamada dowladda oo xalay duleedka Muqdsho, howlgallo ka sameyay ayaan la oggeyn cida ay kusoo qabteen. Beegsiga askarta ciidanka dowladda lagu hayo ayaa bilihii dambe kusoo badanayay deegaanka dhaca duleeka magaalladda Muqdishu.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia