4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Kulankii Baarlamaanka dowladda ee maanta looga hadli lahaa arrinta Qalbi-Dhagax oo kooram la’aan u baaqday

 
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kulankii maanta ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa uu u baaqday kooram la’aan, sida uu sheegay Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa madasha ka sheegay inuu baaqday kulankii Baarlamaanka ee maanta, maadaama Kooramkii loo baahnaa aysan soo xaadirin. 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaannadii ka maqnaa fadhiga Baarlamaanka.

Kulankii maanta waxaa soo xaadirtay 104 xildhibaan, waxaana jiray xildhibaanno yimid kulanka balse diiday in magacyadooda ay ku qoraan warqadda-xaadirinta xildhibaannada, taas oo ka dhigneyd in aysan raali ka aheyd joogitaanka fadhigii baarlamaanka ee maanta.

Fadhigii maanta ee Baarlamaanta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadi lahaa arrimo ay kamid yihiin go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax, sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Dhiifanaan iyo dareen xooggan, ayaa la muujinayaa waxaana xildhibaannada ay yihiin kuwo ku kala qeybsan go'aankii xukuumadda.

Qalbi Dhagax, waa sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF oo dowladda Soomaaliya qabatay, kaddibna ku eedeysay in xiriir uu la leeyahay kooxaha argagixisada ah kuna wareejisey Itoobiya.

Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in Qalbi-Dhagax uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia