4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2017
Waaberi oo 3 Gool uga badisay degmada Hodan cayaar xiiso leh oo ku soo dhamaatay Koonis Stadium

 

Jimco, September, 08, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw oo caawa ku soo dhamaatay garoonka Stadium Koonis degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho tartanka kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo ay isku arkeen labada degmo Waaberi iyo Hodan.

Wareegii hore ee cayaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 oo ay ku hogaamineysan degmada Waaberi.

Markii leysugu soo laabtay wareegii labaad kooxda kubadda Cagta Waaberi waxaa u suuurtagashay in ay dhaliyaan Goolkii Saddexaad, balse degmada Hodan ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay cayaarta la timid 1 Gool oo kaliya, waxaana ay guusha 3-1 ku raacday kooxda kubadda Cagta degmada Waaberi.

Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxey soo reebtay degmada Huriwaa halka Hodan ay ka soo adkaatay Kaaraan.

Cayaarta caawa waxaa xiiso gaar ah u sii yeelay in ku dhawaad muddo 30 sano ah cayaar noocan oo kale ah xili habeen ah lagu qabto mid ka mid ah garoomada Kubadda Cagta ugu faca-weyn dalka, marka laga soo tago garoomada yar yar ee ganacsiga loo furtay ee ku yaala xaafaddaha magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]