11/24/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2017
Kulanka Baarlamaanka ee maalinta berri oo isha lagu hayo, kaas oo looga hadli doono arrimaha Qalbi-Dhagax


 
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo shalay kulan ku yeeshay magaalladda Muqdisho, ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka ee maalinta berri ah ee taariikhda ay ku beegantahay 9/9/2017 looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax.

Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), ayaa warbaahinta u cadeeyay in ajandaha ugu muhiimsan ee kulanka uu yahay go’aankii ka soo baxay Xukuumadda oo ku saabsanaa arrinta Sarkaalka ONLF.

Xildhibaannada Baarlamaanka, ayaa ku kala qeybsan arrinta Qalbi-Dhagax, waxaana kulanka baarlamaanka la filayaa in uu noqdo mid xiiso baddan, sida siyaasiyiinta ay sheegayaan.

Xildhibaannadda go'aanka xukuumadda, ku kala aragti ah ayaa kulamo is-arag ah, waxaa ay ku yeelanayeen magaalladda Muqdisho tan iyo markii uu soo baxay go'aanka. Abaabul ballaaran ayaa ka socda magaalladda, waxaana loo arkaa in aan hal meel loo wada socon.

Qalbi Dhagax, waa sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF oo dowladda Soomaaliya qabatay, kaddibna ku eedeysay in xiriir uu la leeyahay kooxaha argagixisada ah kuna wareejisey Itoobiya.

Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in Qalbi-Dhagax uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

Kulankan maalinta berri ah ayaa waxaa uu yahay kii 11-aad ee Baarlamaanka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia





Post your comments

9/8/2017 3:17 PM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Kooxda kubadda-cagta ee degmadda Waaberi ayaa caawa si xaraga leh ugu guuleysatay tartanka kubadda-cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir ee sanadka 2017, kaddib makii 3-0 ay kaga adkaadeen kooxda kubadda-cagta ee degmadda Hodan.

9/8/2017 3:10 PM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw oo caawa ku soo dhamaatay garoonka Stadium Koonis degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho tartanka kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo ay isku arkeen labada degmo Waaberi iyo Hodan.

9/8/2017 11:52 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo gabal-dhicii maanta oo Jimco ah ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

9/8/2017 11:17 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in qof ismiidaamiye ah goor dhaw isku qarxiyay maqaaxi lagu magacaabo Barwaaqo.

9/8/2017 10:27 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan ay halkaa ku yeesheen labada madaxweyne ku-xigeen ee maamulada Puntland iyo Galmudug, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada dhinac kaasoo looga wada hadlay nabad ku soo dabaalida magaalada Gaalkacyo.

9/8/2017 10:12 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) - Iyadoo dhawaan qoraal si wada jir ah ay u soo saareen saaxiibada caalamka ay walaac ka muujiyeen maamul cusub oo looga dhawaaqo gobolka Hiiraan, ayaa waxaa maanta magaalada Beledweyne ka dhacay kulan hor dhac u ah dhismaha maamul lagu magacaabo HiiraanLand oo ka kooban labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Sare.

9/8/2017 7:27 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) - War ka soo baxay taliska ciidamda Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Jimcaha maanta ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya.

9/8/2017 7:14 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL)- Roobab waaweyn oo xalay ka Da’ayey Somaliland, gaar ahaan goboladda Awdal iyo Hargeysa ayaa la soo sheegayaa inay dhaliyeen khasaare nafeed.

9/8/2017 2:14 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Dadweyne u badan haween iyo carruur ayaa maanta banaanbax looga soo horjeedo ciidamadda AMSIOM, waxaa ay ka dhigayaan degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

9/8/2017 1:56 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, oo shalay golaha Wasiirradda warbixin dhanka amniga ah siinayay ayaa sheegay in ammaanka dalka Soomaaliya uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaallo lagu sii xoojinayo.

9/8/2017 12:56 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Wakaalladda Wararka ee dalka Suriya, ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee maamulka Israel ay weerareen saldhig milatari oo ku yaalla meel u dhaw tuulada Misyaaf ee gobolka Xama' ee galbeedka dalka Suuriya.

9/8/2017 12:43 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii shalay waxaa ay ku ansixiyeen heshiiska isu-celinta maxaabiista dowladdaha India iyo Soomaaliya, waxaana heshiiska dhawaan loo gudbin doono Baarlamaanka.

9/8/2017 12:38 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo ay hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird.