4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2017
Kulan hor dhac u ah dhismaha maamulka HiiraanLand oo ka dhacay Beledweyne Daawo

 

Jimco, September, 08, 2017 (HOL) - Iyadoo dhawaan qoraal si wada jir ah ay u soo saareen saaxiibada caalamka ay walaac ka muujiyeen maamul cusub oo looga dhawaaqo gobolka Hiiraan, ayaa waxaa maanta magaalada Beledweyne ka dhacay kulan hor dhac u ah dhismaha maamul lagu magacaabo HiiraanLand oo ka kooban labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Sare.

Odayaal iyo waxgarad ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dhamaanba bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ku mideysan yihiin dhismaha maamulkan, iyaga oo sheegay in markii horeba waxgaradka gobolka Hiiraan ka soo horjeedeen dhismaha maamulka Hirshabeelle ee xaruntiisu tahay Jowhar.

Arimahan oo dhan ayaa imanaya xili dhinaca kale magaalada Jowhar loo diyaargaroobayo doorashada madaxweynihii labaad ee uu yeesho maamulka Hirshabeelle wax ka yar sanad, kaddib markii xildhibaannada baarlamaanku sheegeen in ay kalsoonida kala noqdeen madaxweynihii maamulka Cali Cabdullaahi Cosobole oo hadda ku sugan magaalada Beledweyne.

Laakiin dhinaca kale beesha caalamka ayaa ku talineysa in la raaco hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo maamulka Hirshabeelle , dastuurka iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan, iyaga oo intaa raaciyay in la ilaaliyo muhiiimada ay leedahay xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]