3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2017
Faah faahin qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo

 

Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo gabal-dhicii maanta oo Jimco ah ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ugu yaraan Afar ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen weerarkan oo ahaa mid uu fuliyay qof naftii hure ah oo ka dhacay maqaaxi ku dhaw xarunta DahabShiil ee bartamaha magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa jira dad ku dhaawacmay qaraxan loo dhigay xarumaha caafimaadka magaalada Baydhabo oo lagu dabiibayo

Qaraxan ayaa ka dhacay goob sanadkii hore sidan oo kale Al-shabaab ka fuliyeen qaraxyo kala duwan.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay weerarka ismiidaamin ah , balse weeraro horay uga dhacay Baydhabo waxaa sheegtay Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/8/2017 3:17 PM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Kooxda kubadda-cagta ee degmadda Waaberi ayaa caawa si xaraga leh ugu guuleysatay tartanka kubadda-cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir ee sanadka 2017, kaddib makii 3-0 ay kaga adkaadeen kooxda kubadda-cagta ee degmadda Hodan.

9/8/2017 3:10 PM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw oo caawa ku soo dhamaatay garoonka Stadium Koonis degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho tartanka kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo ay isku arkeen labada degmo Waaberi iyo Hodan.

9/8/2017 11:17 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in qof ismiidaamiye ah goor dhaw isku qarxiyay maqaaxi lagu magacaabo Barwaaqo.

9/8/2017 10:27 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan ay halkaa ku yeesheen labada madaxweyne ku-xigeen ee maamulada Puntland iyo Galmudug, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada dhinac kaasoo looga wada hadlay nabad ku soo dabaalida magaalada Gaalkacyo.

9/8/2017 10:12 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) - Iyadoo dhawaan qoraal si wada jir ah ay u soo saareen saaxiibada caalamka ay walaac ka muujiyeen maamul cusub oo looga dhawaaqo gobolka Hiiraan, ayaa waxaa maanta magaalada Beledweyne ka dhacay kulan hor dhac u ah dhismaha maamul lagu magacaabo HiiraanLand oo ka kooban labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Sare.

9/8/2017 7:27 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) - War ka soo baxay taliska ciidamda Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Jimcaha maanta ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya.

9/8/2017 7:14 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL)- Roobab waaweyn oo xalay ka Da’ayey Somaliland, gaar ahaan goboladda Awdal iyo Hargeysa ayaa la soo sheegayaa inay dhaliyeen khasaare nafeed.

9/8/2017 2:14 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Dadweyne u badan haween iyo carruur ayaa maanta banaanbax looga soo horjeedo ciidamadda AMSIOM, waxaa ay ka dhigayaan degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

9/8/2017 1:56 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, oo shalay golaha Wasiirradda warbixin dhanka amniga ah siinayay ayaa sheegay in ammaanka dalka Soomaaliya uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaallo lagu sii xoojinayo.

9/8/2017 1:25 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo shalay kulan ku yeeshay magaalladda Muqdisho, ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka ee maalinta berri ah ee taariikhda ay ku beegantahay 9/9/2017 looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax.

9/8/2017 12:56 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Wakaalladda Wararka ee dalka Suriya, ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee maamulka Israel ay weerareen saldhig milatari oo ku yaalla meel u dhaw tuulada Misyaaf ee gobolka Xama' ee galbeedka dalka Suuriya.

9/8/2017 12:43 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii shalay waxaa ay ku ansixiyeen heshiiska isu-celinta maxaabiista dowladdaha India iyo Soomaaliya, waxaana heshiiska dhawaan loo gudbin doono Baarlamaanka.

9/8/2017 12:38 AM EST
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo ay hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird.