4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2017
Mareykanka oo gantaal ku dilay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab Khamiistii shalay

 

Jimco, September, 08, 2017 (HOL) - War ka soo baxay taliska ciidamda Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Jimcaha maanta ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya.

Weerarka ayaa warka lagu sheegay in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo laakiin n magaciisa la sheegin.

Howl-galka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baraawe oo 270 KM u jirta caasimadda Muqdisho.

Mareykanka ayaa holwgalkani fuliyay iyadoo la raacayo awaamiirtii madaxweynaha Mareykanka uu bishii March sanadkan soo saaratay, kuwaas oo u ogolaanaya ciidamada inay ku beegsan karaan al-Shabaab iyadoo taageero laga helayao ciidamada Soomaaliyeed deegaannada ay ku xooggan yihiin kooxdaasi.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan tallaabooyinka sida ay hadalka u dhigeen lagu difaacayo Ameerikaanka islamarkaasina looga taqallusayo kooxaha Argagixisada.

Inkastoo weerarada ay qaadayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka bilihii ugu danbeeyayba ku badnaayeen gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira saameyn mar marka qaar duqeymaha ku yeeshaan dadka rayidka ah oo qaarkood ku dhinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]