Jimco, September, 08 2017 (HOL)-
Roobab waaweyn oo xalay ka Da’ayey Somaliland, gaar ahaan goboladda Awdal iyo
Hargeysa ayaa la soo sheegayaa inay dhaliyeen khasaare nafeed.
Gobolka Awdal gaar ahaan
deegaanka hoos yimaadda Baki waxa uu danab ku dilay laba qof, mid kalena wuu ku
dhaawacay, sidoo kale Hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay uu isna danab
kale ku dhacay oo uu ku geeriyoodeen hooyaddii iyo laba caruuro oo ay dhashay,
halka uu ka badbaaday wiil kii ugu yaraa ee qoyskaasi.
Dhinaca kale, Dooxo Arabsiyo oo
uu daad badan ku soo rogmaday ayaa sababay in gaadhi marayey uu qaato, waxaana
halkaasi ku geeriyooday dirawalkii gaadhigaasi waddday.
Roobkii xalay ka dayey Somaliland
ayaa ahaa mid aan kala qaadin,isla markaana illa xalay Da’ayey, haseyeeshee
marka roobabku da’ayaan waxa dadku khasaare nafeed iyo maalba ka soo gaadhaan
Dooxyadda oo gaadiidka qaar isku soo qaadaan, taas oo halis galisa gaadiidka
iyo dadka saaran.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.