4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2017
Akhriso War laga soo saaray shirkii Nabada ee magaalada Gaalkacyo

 

Jimco, September, 08, 2017 (HOL) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan ay halkaa ku yeesheen labada madaxweyne ku-xigeen ee maamulada Puntland iyo Galmudug, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada dhinac kaasoo looga wada hadlay nabad ku soo dabaalida magaalada Gaalkacyo.

Kulankan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in shir dib u heshiisiineed la qabto,in laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal iyo in wadooyinka colaadaha ku xiremey dib loo furo.

Akhriso qodobada lagu heshiiyay labada dhinac :

1- In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah, lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda, si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray, lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto.

2- Waxaa lagu baaqay, laguna heshiiyey in lays la qaato nabad, lana gaarsiiyo guud ahaan dadka reer Puntland iyo Galmudug.

3- Waxaa laysku afgartay in muddo 90 casho gudahood ah lagu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dhamaan khilaafaadka Gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisaan guddi farsamo.

4- In labada Maamul ay si dhameystiran u hirgaliyaan heshiiskii la saxiixay 22 June 2017 iyo kuwii ka horeeyeyba.

5- In la furo wadooyinka xiran, lana kormeero hirgalinta heshiisyadii xabad joojinta.

6- In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lagana xisaabtamo wixii dhacdooyin laga soo bilaabo dhacdadii Balibusle, maamuladuna ay ka taageeraan fududeynta xal u helista dhacdooyinkaas.

7- In culuma’udiinka, ganacsatada iyo Jaaliyadaha Gobolku ay si firfircoon uga qayb qaataan ka shaqaynta sidii lagu gaari lahaa nabad baahsan oo ka dhalata gobolka Mudug.

8- Waxaa laysku raacay, lana dhisay guddi nabadda ka shaqeeya oo ka kooban 36 xubnood labada dhanba.

9- In Guddiga nabadda labada dhan ay ka soo shaqeeyaan xeer lagu xakameeynayo dhacdooyinka fal dambiyeedyada.

10- In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalahaa ee Galmudug iyo Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]