4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2017
Shirkii gollaha wasiirrada oo looga hadlay qodobo uu Amnigu ka mid yahay

 

Khamiis, November, 09, 2017 (HOL) – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo uu ugu horeeyo Amniga, Warbixin la xiriirta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya, Tanzania, Cumaan, Uganda, Suudaan iyo wadamo kale.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa faray wasiirka maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle wuxuu faray in maanta oo Khamiis la bixiyo lacagtii halka Milyan aheyd oo Dowladdu ay ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii Zoobe.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladaha Amni ee dalka, waxaana Warbixin laga dhageystay Ku simaha Agaasimaha Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka hadlay xaalada amni ee dalka iyo wixii u qabsoomay, wuxuuna sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag abaabulayay Haamo Qaraxyo ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa Golaha Warbixin ka siiyay shirkii Muqdisho ugu soo gaba gaboobay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, kaasi oo looga hadlay Doorashooyinka, Dastuurka iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay siyaasadda Qaran ee Dhalinayarad oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhalinyarada, iyada oo sidoo kale la ansixiyay siyaasadda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka, waxaana ugu dambeyn Golaha loo qeybiyay Miisaaniyada 2018-ka, oo Wasiirada ay soo aqrin doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]