4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2017
Taliyihii ciidanka Taraafikada Soomaaliya oo geeriyooday

 

Khamiis, November, 09, 2017 (HOL) – Taliyihii Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Soomaaliya Cali Maxamuud Cali ayaa xalay ku geeryooday magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistee taliyaha ayaa dhawaan xaalad caafimaad darro loo geeyay dalka Hindiya, halkaasi oo baaritaano uu ku soo qaatay, sidoo kalena lagu soo daweeyay, kadiba dib loogu soo celiyay Muqdisho.

Ehelada marxuumka ayaa ayaa warbaahinta u sheegay in maalmihii dambe uu ku xanuunsanayay Muqdisho, sidoo kalena hakad uu geliyay shaqadiisa, oo uu sii waday Taliye ku xigeenkiisa, xalayna uu sidaa ku geeriyooday.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa isla maanta in lagu Aaso, waxaana Aaska ka qeyb galaya Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Ilaalada Wadooyinka, Ehelada marxuumka iyo xubno kale.

General Cali Maxamuud Cali, ayaa labo jeer oo hore soo noqday taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee Xamar, wuxuuna kala wareegay General Cali Gaab..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]