4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2017
Taliska militariga Soomaaliya oo sheegay in ay howlgal ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

 

Khamiis, November, 09, 2017 (HOL) – Saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya ayaa shegay in howlgalo ay ka sameyeen deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellooyinka ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaal ka dhacay deegaanka Basra ee waddada isku xirtay labada gobol Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe ayeey sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda in ay ku dileen xoogag ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka General C/laahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Saddex ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileen howlgalka qaar kalana lagu dhawacay.

General Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo la doonayo in guud ahaan looga saaro dalka.

Al-shabaab iyaga oo dhinacooda wali kama aysan hadal howlgalada militari ee ka socda gobollada labada Shabeelle oo ay fariisimo ku leeyihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]