4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2017
Amaanka Kenya oo siweyn loo adkeeyay iyo weerarro laga cabsi qabo

 

Khamiis, November, 09, 2017 (HOL) – Saraakiisha ciidamada Amniga dalka Kenya ayaa sheegay in ay ka foojigan yihiin weerarro laga yaabo Al-shabaab in ay ka geystaan deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi Bari.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa Wargeyska Daily Nation u sheegay in ay jirtaan fariimo Laamaha Ammaanka soo gaaray oo sheegaya in ay Al-Shabaab qorsheynayaan weerarro dhabo gal ah oo ay ka geystaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Ciidamo booliiska iyo militariga ayaa bilaabay howlgal ka dhan Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka Keynta ah ee Kenya gaar ahaan degaannada Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku dhow.

Saraakiil ka tirsan booliiska ayaa la la’yahay  kaddib markii dagaalyahano looga shakisan yahay Al-shabaab weerar ku qaadeen gaadiid ay saarnaayeen oo marayay degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hadda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 4,000 Askari oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo ujeedkiisu uu yahay in dalka ay ka saaraan Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar dad rayid ah iyo ciidamo Kenya ka tirsan lagu dilay waxaa ay ku qaadeen gudaha Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]