4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2017
Wasaarada gaashaandhigga oo ka hadashay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

 

Khamiis, November, 09, 2017 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay faah faahin ka bixisay dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab, kaasi oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Prof. Sokor Jaamac Geyre oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay Howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab in ay bilowdeen, hadana ay marayaan meelo wanaagsan.

Wuxuu sheegay ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM in ay diyaar u yihiin in Al-shabaab ay ka saaraan dhamaan degmooyinka iyo degaanada ay kaga sugan yihiin dalka, si Soomaaliya ay mar kale u hanato qaranimadeedii iyo midnimadeedii.

Prof. Sokor ayaa ciidamada xoogga dalka uga digay laba arrimood inta ay howlgalka ku guda jiraan, kuwaasi oo kala ah in aysan Askareyn Carruurta Da’dooda ay ka yar tahay 18-ka sano iyo in ay si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada ku sugan deegaanada ay ka xoreynayaan Al-shbaaab.

“Dagaalka Al-shabaab wuu bilowday, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM durba waxay la wareegeen deegaano dhowr ah, ciidamada waxaan ugu baaqayaa in ay wanaagsan ula dhaqmaan shacabka deegaannada ay la wareegaan, madaxda dalka ayaa dhiiragelinaya ciidamada Qaranka.” ayuu yiri Sokor.

Arrimaha jidgooyooyinka ayuu sidoo kale ka hadlay Agaasime Sokor, wuxuuna sheegay Askar fara badan in ay u xiran yihiin jidgooyo ay dhigteen, sharcigana la horgeynayo, hadana wadooyinka Shabeellooyinka ay yihiin kuwo inta badan laga sifeeyay isbrooyinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]