4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2017
Madaxweyne Trump oo maanta la kulmaya dhiggiisa dalka Shiinaha

 

Khamiis, November, 09, 2017 (HOL) – Madaxweyne Trump ayaa kulan la qaadanaya dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping, xilli Trump oo ku gudo jiro maalintii labaad ee booqashadiisa uu ku joogo Beijing.

Trump ayaa la filayaa in uu dhiggiisa Shiinaha ka dhaadhiciyo in uu cadaadis ku saaro in ay joojiso barnaamijkeeda Niyuukleerka, arrintaasi oo ah ujeedada ugu muhiimsan ee socdaalkiisa uu ku marayo qaaradda Aasiya.

Labada hogaamiye ayaa la sheegay sidoo kale in ay ka wada hadlaan arrinta xasaasiga ah ee ku saabsan ganacsiga.

Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay Shiinaha hab dhaqan ganacsi oo aan caddaalad ku dhisnayn.

Madaxweyne Xi ayaa gelinka dambe ee maanta waxa uu casho sharaf u sameyn doonaa madaxweynaha martida u ah ee Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]