Khamiis, November, 09, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali
Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay markii ugu horeysay qalalaasaha ka taagan Dekedda
Boosaaso ee gobolka Bari.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in la sii wadi doono mashruuca dhismaha dekedda
Boosaaso, isaga oo sheegay in ay jiraan
shaqsiyaad dano gaar ah leh oo sida uu hadalka u dhigay sii hurinaya arrinta
dekedda Boosaaso.
‘’ Arrinta Dekeda haddii aan ka hadlo, waa hormar in Dekedda dib u dhis iyo
ballaarin lagu sameeyo, haddii la doonayo in wax walba sidii ay ahaan jireen
iska sii ahaadaan taa socon meyso, marka shaqsiyaad dano gaar leh oo raba in ay
bulshada cuuryaamiyaan looma joojiynayo ayuu yiri’’ madaxweyne Gaas.
Laakiin Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in maamulka Puntland diyaar u yahay
haddii ay jiraan ganacsato cabasho qabto, balse aan la aqbali doonin sida uu
hadalka u dhigay in leys hortaago hormarka socda.
‘’Howsha Dekedda ka socta waa howl xukuumada iyo baarlamaanka Puntland
intaba ogolaasho looga heysto oo sharci ah, marka cid kale oo ka hor iman karta
ma jirto, haddiise ay jiraan ganacsato iyagu cabasho kale oo gaar ah qaba waan
la fariisaneynaa waana lala hadlayaa ayuu sheega Cabdiwali Gaas.
Todobaad ka hor magaalada Boosaaso dibadbax ka dhacay oo ka dhan ah Dekeda
Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay Laba qof, halka sidoo kalena uu dhaawac ka soo
garay qof kale oo rayid ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]