4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 8 , 2017
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo la Filayo in ay u tartanto booska uu iska casilay Al-Franken



Jimco, Decembar 08, 2017 [HOL]-Senator Al-Franken oo ka tirsanaa Golaha Senatka ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu is-casilayo ka dib todobaadyo is xig-xigay oo uu la kulmayay eedaymo la xiriira in uu xad gudub dhinaca jirka ah ku sameeyay dumar kala duwan.

Mudanahan ayaa sheegay in sababta uu isku casilayo aysan ahayn khalad uu galay ,balse ay tahay sidii ay dadka dagan gobolka Minisotta u heli lahaayeen mudane kale oo ka madax –banaan baaritaanka guddiga anshaxa ee golaha Senetka.

“Dadka gobolka dagan waxa ay istaahilaan in ay helaan mudane awood-diisa dhan isugu geeya sidii uu wax uga qaban lahaa caqabadaha ay maalin kasta wajahaan “ ayuu yiri Franken oo jeediyay khudbad socotay muddo 10 daqiiqo ah.

“Waxaan la socdaa in sawir kale la iga haystay asbuucyadii la soo dhaafay , balse xaqiiqdi waxaan ahay qofka aan ahay “ ayuu mar kale yiri Franken oo sheegay in eedaymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwa aan run ahayn .

Waxa uu tilmaamay in eedaymaha qaarkood uu si ka duwan sida hadda loo fasiray uu u xasuusto ,isaga oo sheegay in waligiisa uu ahaa qof garab taagan haweenka ku jira xisbigiisa , isla markaana laga bad-badiyay eedaymaha loo haysto.

Dhinaca kale Ilhaan Cumar oo ka tirsan  golaha wakiilada ee Gobolka Minnesota ayaa la filayaa in ay u tartanto booska uu banaynayo Al-Franken doorashada la qaban doono horaanta sanadka danbe.

Ugu danbayn, Hadii Ilhaan ay ku guulaysato booskan waxaa ay noqon doonta qofkii ugu horeeyay oo ka soo jeeda Qaarad-da Afrika oo kamid noqda golaha sare ee Senetka Maraykanka.  

Faysal M. Hassan
[email protected]