Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) – Dibabadxayo Rabshado wata, ayaa ka dhacay
dhulka Falastiiniyiinta ee Israel xoogga ku haysato, ka dib markii Mareykanka
uu Magaalada Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.
Dadka reer Falastiin, ayaa waxay bilaabeen shaqo joojin, iyadoona ay
albaabada u laabeen goobaha ganacsiga iyo waxbaraashada, si ay kaga falceliyan
go’aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday Xarunta Israel.
Bannaanbaxayaasha, ayaa wadooyinka ku gubay taayeero, sidoo kalena waxay dab
qabadsiiyeen calamada Mareykanka, Israel iyo weliba sawirada Madaxweynaha Mareykanka
iyo Ra’iisal Wasaaraha Israel.
Bannaanbaxayaasha, ayaa dhegxaan ku tuurayay askarta Israel, waxaana la
arkaayay askarta Israel uu ku jawaabeysa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo weliba
rasaas, dad badan ayaana la sheegay inay ku waxyeeloobeen isu dhacaasi.
Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin, ayaa waxay sheegtay in tiro ku dhow konton
qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacantay rabshadihii maanta dhex maray
bannaanbaxayaasha iyo askarta Israel.
Bannaanbaxyada ka bilowday Daanta Galbeed, ayaa la fillaya inay sii socdaan,
maalinta berrito ahna waxaa lagu wadaa in kumanaan ruux isugu soo baxaan
Ramallah iyo Gaza.
Dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas, ayaa ku baaqay kacdoon ka dhan ah
tallaabada Donald Trump uu Safaaradiisa ugu wareejinayo Magaalada Qudus, ka dib
markii uu sheegay Qudus inay tahay Caasimadda Israel.
Dhanka kale bannaanbaxyo looga soo horjeedo go’aanka Trump ee ku aadan
Qudus, ayaa maanta ka kala dhacay Wadamada Jordan, Masar iyo Pakistan.
Madaxweyne Trump, ayaa Arbacadii amray in Safaaradda Mareykanka laga raro
Magaalada Tel Aviv, loona wareejiyo Magaalada Qudus, taasoo ka careysiisay
dunida Muslimka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]