4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 8 , 2017
Booliiska Kenya oo toogtay qof looga shakiyay Argagixiso

 

Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) – Ciidamada Booliiska Kenya ayaa maanta toogasho ku dilay Ali Khamisi Mtsomo, oo ku eedeeysnaa falal Argagixisanimo, kaas oo ay in muddo ah ku raad joogeen laamaha Ammaanka.

Ninkan oo markii la dilayay ku sugnaa degaan lagu magacaabo Likoni, ayaa isku dayay inuu la dagaallamo Askarta, isagoo Seef ku dhaawacay mid ka mid ah Saraakiisha Boliiska, ka hor intaanan la toogan.

Mtsomo, ayaa la tuhunsan yahay inuu xiriir la lahaa Ururka Al-shabaab ee uu fadhigiisu yahay Soomaaliya, isagoo la tilmaamay inuu dhallin yaro badan oo ka soo jeedda dalka Koongada Dimoqraaddiga ah u qoray inay ka mid noqdaan Daacish.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar dad rayid ah iyo Ciidamo Kenya ka tirsan lagu dilay waxa ay ku qaadeen Kenya, waxaana ugu darnaa Labadii weerar ay ku qaadeen xarunta Ganacsiga Westgate Mall iyo Jaamacada Gaarisa.

Al-Shabaab ayaa dalka Kenya weeraro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011 kii markaas oo ciidanka dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]