4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 8 , 2017
Kooxaha Kubada Cagta Banaadir iyo Jubbaland oo lagu furay tartanka Cayaaraha maamul gobolleedyada

 

Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw ka furmay Garoonka Kubada Cagta Banaadir stadium Cayaaraha Maamul gobolleedyada, waxaana lagu furay cayaarta ugu horeysay kooxaha Kubada Cagta Banaadir iyo Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa daah furtay waxaana xiligan soconaya cayaar xiiso leh oo dhaxmareysa cayaartooyda Banaadir iyo Jubbaland.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in ay is arkaan kooxaha Kubada Cagta Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Madaxda maamulada ka qeybgalaya tartanka ayaa kulamo la qaatay Cayaartooyda ku mataleysa Tartanka, waxaana ay madaxdu kula dardaarmeen kooxaha in ay muujiyaan cayaar wanaag.

Waan idin soo gudbin doonaa natiijada cayaarta ..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]