3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 8 , 2017
Golaha Amaanka oo ka shiraya xiisada ka dhalatay go’aanka Trump ee Quddus

 

Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in kulan deg deg ahi ay ka yeeshaan carrada xoogan ee ka dhalatay aqoonsiga uu Mareykanku Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si adag loogu eedeeyay in uu dhegaha ka fureystay baaqii ahaa, inaanu Quddus u aqoonsan Caasimadda Maamulka Israel.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Khamiistii sheegay in go’aan kasta oo si gooni ah loo qaato uu halis gelinayo nabadda, waxaana uu ku baaqay in xaaladda Qudus lagu xaliyo wadahadalo dhex mara Falastiin iyo Israel.

Wadamada Jaamacadda Carabta, ayaa Sabtida Barrito kulan deg deg ah ka yeelanaya tallaabada uu Donald Trump Magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku baaqay shir inay isugu yimaadan dowladaha ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka, maalinta Arbacada, si looga hadlo go’aanka Xukuumadda Washington ee Qudus.

Dunida Muslimka iyo Wadamada Reer Galbeedka, ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanku ku sheegay in Qudus ay tahay Xarunta Israel.

Sharci Dejiyeyaasha Mareykanka, ayaa sanadkii 1995-kii saxiixay sharci Dowladda Mareykanka u ogolanaya inay Safaaradeeda Israel u wareejin karto Magaalada Qudus, ha yeeshee tan iyo xilligaa Madaxweyne-yaashii Mareykanka soo maray ay dib u dhigi jireen fulinteeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/8/2017 10:03 AM EST
Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw ku soo idlaatay Garoonka Banaadir Stadium Cayaar xiiso badan oo dhaxmartay labada Kooxood ee Banaadir iyo Jubaland oo ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Xidigaha Gobolka Banaadir.

12/8/2017 9:35 AM EST
Jimco, Decembar 08, 2017 [HOL]-Senator Al-Franken oo ka tirsanaa Golaha Kongresska ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu is-casilayo ka dib todobaadyo is xig-xigay oo uu la kulmayay eedaymo la xiriira in uu xad gudub dhinaca jirka ah ku sameeyay dumar kala duwan.

12/8/2017 8:13 AM EST
Jicmo, December, 08, 2017 (HOL)–Waxaa goor dhaw ka furmay Garoonka Kubada Cagta Banaadir stadium Cayaaraha Maamul gobolleedyada, waxaana lagu furay cayaarta ugu horeysay kooxaha Kubada Cagta Banaadir iyo Jubbaland.

12/8/2017 7:02 AM EST
Jicmo, December, 08, 2017 (HOL)–Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa guul ku tilmaamay saxiixa heshiiska wadaagga awood qeybsiga ah ee Talaadadii dhexmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

12/8/2017 6:48 AM EST
Jicmo, December, 08, 2017 (HOL)– Ciidamada Booliiska Kenya ayaa maanta toogasho ku dilay Ali Khamisi Mtsomo, oo ku eedeeysnaa falal Argagixisanimo, kaas oo ay in muddo ah ku raad joogeen laamaha Ammaanka.

12/8/2017 5:55 AM EST
Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dawladda Itoobiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Amb. Maxamed Cali Nuur.

12/8/2017 3:02 AM EST
Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Hiiraan Online uga waramay mashaariic hormarineed oo laga fulinayo deegaannada Hirshabeelle iyo arrimaha siyaasada gaar ahaan muranka ka taagan magacaabista golaha wasiiradda cusub.

12/8/2017 12:53 AM EST
Jicmo, December, 08, 2017 (HOL)–Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar waxaa maanta ka furmaya shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha horumarinta Ganacsiaga Qaaradda Africa oo ay martigelinayso dowladda Masar.

12/8/2017 12:42 AM EST
Jicmo, December, 08, 2017 (HOL)–Dibabadxayo Rabshado wata, ayaa ka dhacay dhulka Falastiiniyiinta ee Israel xoogga ku haysato, ka dib markii Mareykanka uu Magaalada Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

12/8/2017 12:38 AM EST
Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ka soo saartay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus inay tahay Caasimadda Israel.