4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 8 , 2017
Madaxweyne Waare oo Hiiraan Online uga waramay arrimaha siyaasadda iyo mashaariic laga fulinayo Hirshabeelle

 

Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Hiiraan Online uga waramay mashaariic hormarineed oo laga fulinayo deegaannada Hirshabeelle iyo arrimaha siyaasada gaar ahaan muranka ka taagan magacaabista golaha wasiiradda cusub.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in  ay qorsheynayaan hergalinta mashaariic ballaaran oo laga fuliyo deegaannada maamul gobolleedka Hirshabeelle, iyadoo laga faa’ideysanayo $ 200 ee milyan ee dowladda Qatar ugu deeqday dowladda Soomaaliya ee loogu talagalay mashaariicda hormarineed.

‘’Waxaa uu qorshuhu yahay in marka ugu horeysa dib u dhis ballaaran lagu sameeyo Waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar Annaga oo ka faa’ideysaneyna $ 200 ee milyan ee dowladda  Qatar ugu deeqday dowladda Soomaaliya, waxaan is leenahay mashaariicdaa waxaa ka faa’ideysan doona dadka reer Hirshabeelle oo ka heli doona shaqo abuur ‘’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Waare ayaa sheegay in marka la soo dhameystiro dhismaha waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho la bilaabo doono dib u hagaajinta iyo dhismaha Waddada xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

‘’Marka aan soo dhameyno waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho waxaa uga gudbi doonaa waddada xiriirisa Jowhar iyo Beledweyne iyada oo laga faa’ideysanayo wax yaabihii laga bartay dhismaha waddada Muqdisho iyo Jowhar’’ ayuu u sheegay Waare Hiiraan Online

Dhismaha Waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho ayaa la filayaa in ay bilaabato horraanta sannadka cusub 2018ka.

Mashaariicdan ayaa waxaa qeyb ka noqon doona sida uu hadalka u dhigay hormarinta beeraha oo ay caan ku yihiin bulshada ku dhaqan labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe si marka danbe ay fursad ugu hellaan in ay wax soo saarkooda u iibgeeyaan Suuqyada waweyn ee ganacsiga dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale qorshaha ku jira dhismaha labo Madaxtooyo oo laga hergalin doono magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne, dhinaca kalana magaalada Beledweyne ayuu sheegay laga dhiso doono Kawaan-Weyn Xoolaha ah.

Mar uu soo hadal qaaday dhinaca Amniga ayuu sheegay Waare in ay ku tala jiraan in sugida Amniga deegaannada Hirshabeelle oo laga nadiifin doono sida uu hadalka u dhigay Kooxaha Argagixisada [Al-shabaab]

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Hiiraan Online weydiisay su’aal la xiriirta muranka ka jira golaha wasiirada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay ayaa sheegay in ka hor inta uusan magacaabin wasiirada uu la tashi arintaa kala sameeyay Xildhibaannada iyo Qeybaha bulshada, waxaana uu sheegay in uu rajo badan ka qabo in baarlamaanku meelmariyo golaha cusub ee Xukuumada si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee loo idmaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]