4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 8 , 2017
Wakiilka Qaramada Midoobey oo ku baaqay in la dhaqangaliyo heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna

 

Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) – Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa guul ku tilmaamay saxiixa heshiiska wadaagga awood qeybsiga ah ee Talaadadii dhexmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Madaxtooyada Soomaaliya heshiis ku gaaray maalin ka hor ayaa waxaa goob ka ahaa heshiiskaasi Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Mr. Keating wuxuu sidoo kale amaanay doorka ay ka ciyaareen Urur-goboleedka Horumarinta IGAD ee u fududeeyay kulamada Nairobi iyo Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna, kahor inta aysan heshiiska ku gaarin Muqdisho.

Wakiilka Gaarka ah ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada daneeyayaasha oo ay ka mid yihiin labada dhinac, Dowladda Federaalka, wakiillada maxaliga ah iyo mas’uuliyiinta xubnaha Golaha iyo bulshada rayidka ah, si ay u sii wadaan sii wadida horumarka iyo hirgelinta heshiiska.

Heshiiskan oo ka koobnaa 14 qodob ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]