4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 16, 2017
Puntland oo xiriirka u jartay dowladda Qadar ,baaqna u dirtay dowladda Somalia


Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL)-- Maamulka Puntland ayaa maanta oo arbaco ah taageero u muujiyay xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ee xiriirka u jiray dowladda Qadar , isla markaana ku baaqay in dowladda Somalia ay ka fiirsato go'aankeeda arintan ku aadan.

War saxaafadeed ka soo baxay maamulka oo loo diray warbaahinta gudaha ayaa lagu sheegay in Somalia ay xiriir wanaagsan waligeed la soo lahayd dowladaha xulufada ah ee xiriirka u jaray dowladda Qadar , isla markaana Puntland ay dhinacaas la safanayso.

"Puntland waxa ay xiriir iskaashi oo isugu jira mid ganacsi iyo mid amni ay la leedahay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka sida darteed go'aankeena waa mid iska cad oo la safan dowladaha uu iskaashigu naga dhaxeeyo  " ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland.

"Waxaan dowladda Somalia ka dalbanaynaa in ay dib uga fiirsato go'aankeeda dhex-dhexaadnimada ah ,waxaana arintan hadii aan si haboon loo wajahin ay saamayn ku yeelan kartaa umadda Somaliyeed " ayaa mar kale lagu yiri warkan.

Puntland ayaa sheegtay in ay canbaaraynayso dowladaha iyo hay'adaha aan dowliga ahayn ee taageera argagaxisda ,waxaana ay ku baaqday in xal laga gaaro khilaafka ka jira khaliijka oo ay Puntland sheegtay in ay saamayn ku yeelan karto Somalia.

Lama oga waxaa xiligan ku soo beegay war saxaafadeedkan ,iyadoo la aaminsan-yahay in xulufada Sacuudiga ay ku guul-daraysteen cunaqabataynta la saaray dowladda Qadar,taasi oo ay ka soo horjeesteen dowlado waa weyn oo caalamka ah.

Ugu danbayn, dowladda Somalia ayaa go'aan dhex-dhexaad-nimo ah kaga qaadatay khilaafka Khaliijka wax yar un ka dib markii go'doon la galiyay wadanka Qadar oo lagu eedeeyay in uu taageero kooxaha argagaxisada ah.

Faysal M. Hassan
[email protected]