4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2017
Ganacsatadda Soomaaliland oo cabasho ka gudbiyey shirkadda maamusha dekadda Berbera

 

Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) – Cabashooyin faro badan ayaa ka soo yeedhay habsami socodka shaqo ee dekadda Berbera tan iyo intii ay la wareegtay shirkadda carbeed ee DP world.

Ganacsatadda wadaniga iyo macaamiisha isticmaasha ee dalka Itoobiya ee alaabta kala soo dega dekadda Berbera ayaa dhibaatooyin ka tirsanaya qaabka shaqo ee shirkaddaasi wax u maamusho, iyagoo door biday qaabkii hore ee dekaddu u shaqayn jirtay.

Ururka ganacsatadda Somaliland ayaa cabasho ay kaga cabanayaan hoos u dhaca ku yimid shaqaddii dekadda mudaddii ay maamulaysay shirkadda Dp Wolrd u gudbisay wasaaradda Ganacsiga Somaliland.

Ganacsataddan ayaa sheegay in maraakiibta ku soo xidhmi lahayd qaarkood u leexdeen dekadaha Jabuuti iyo Muqdisho ka dib markii wakhti dheer ku qaadatay rarka laga dajinayo alaabta.

Dhinaca kale, Boqolaal Gaadiidka waaweyn ee rarka ah  oo laga leeyahay Itoobiya oo u joogay in ay Raashinka daabulka ah ee caawimooyinka ee hay’adda WFP ka qaadaan Dekadda Berbera, ayaa cabasho ka muujiyey muddo ka badan labaatan cisho oo ay sugayeen inuu ku xidho dekadda Markabkii Raashinka  siday, waxaanay sheegeen inay dib iskaga noqonayaan maadaama oo sahaydii ka go’ay wakhti aanay ugu tallogalina ay joogaan.

Gaadiidkan waaweyn ee Rarka daabulo ee u qaadda Itoobiya ayaa ka cabanaya shirkadda maamusha dekada Berbera ee Dp world oo muddi badan ku qaadanayso in Markabka ku xidhma rarka laga dajiyo, isla markaana markiib badan ay dul joogaan dekadda.

Haseyeeshee, Badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa shirkadda Gaaadiidka Itoobiya ee cabanaysa u balanqaaday in hawshoodda la dhamaynayo, isla markaana sida ugu dhakhsiyaha badan rarka looga dajiyo markabka Raashinka u sida WFP, waxaanu gaadiidkan mudadda badan sugayey ku qanciyey inay 24 saacadood gudahood markabkaasi lagu soo xidhi doonno.

Sidoo kale Hay,ada WFP ayaa Kulamo la Qaatay Badhasaabka Gobolka Saaxil si arrintan cakiran uga wada hadlaan, waxaanay isku Afgarteen In Raashinka Bakhaarada u Yaala Hay,adan In Lagu Raro Baabuurtan Ethiopian Si Looga Gudbo Mudadaa habsanka ahayd Ee Dhacday haddii 24 saacadood rarka lagaga dajin waayo Markabka ay u xaniban yihiin ee Raashinka mucaawimadda ah u sida Itoobiya.

Habsanka ku yimid Markabkanaan rarka laga dajin ayaa lagu eedeynayaa inay ka timid dhinaca maamulka shirkadda maamusha Dekada Berbera oo hoos u dhac ku yimid adeegii lagaga dajin jiray Maraakiibta qaarkoodna kiro ahaayeen kuwii kalena xumaadaan taas ayaa keentay habsanka.

Waxa kale oo jirta dood kale oo odhanaysa in shirkadda DP world ay ogaan u samaynayso inuu markabku ku habsaami dekadda maadaama oo mudadda uu Markabku taagan yahay ay lacag ku dalacanayso, sidaas darteed aan si degdeg ah alaabta looga soo dajinayn.

Xubno wasiiro ah ayaa isku dayey inay arrintan furdaamiyaan, haseyeeshee way u caal waayeen ka dib markii ay shirkada maamusha dekadda isku fahmi waayeen sida wasiiraddu wax u rabaan.

Sidoo kale, shirkadda Dp wolrd ayaan ogolayn in la soo faro galiyo maadaama oo heshiishkii dhacay,isla markaaana siday u shaqaynayaan ay u madax banaan yihiin.

Si kastaba ha ahaaatee, waxa cabasho weyni ku jirta macmiishii dekadda oo shaqadda ka socota Dekadda dhexdeedda u arkaan mid cago jiid ah, waxaanay ganacsatadda qaarkood ku eedeeyeen shirkada in aanay doonayn inay wax kala socdaan, balse kaliya ka faa’iidaysanayso dakhliga ka soo galaya maraakiibta joogta oo mudadda ay taagan yihiin ay lacagi ku socoto.

Dhinaca kale, ganacsatadad Muwaadiniinta ah ayaa sheegay in barigii hore laba tododbaad alaabta markabka saaran lagu dajin jiray, balse tan iyo intii shirkadani la wareegtay alaabta Maraakiibta saaran si cago jiid ah looga rarayo, waxaanay taasi keentay in alaabta qaarkood ka kala go’do wadanka dhexdiisa, tusaale ahaan Looxa guryaha lagu dhiso ayaa la sheegay in qiimihiisu kor u kacay ka dib markii la kala waayey, iyadoo Markabkii sidday ee dekadda ku soo xidhay ku qaadatay ku dhowaad laba bilood in rarkaasi laga soo dajiyo. Taasina waxay keentay in ganacsataddii qaarkood Maraakibtoodii u leexiyaan dekadda Jabuuti oo ay kastamka Lawcaddo ka soo cashuurtaan alaabtoodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.