4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2017
Koox looga shakisan yahay Al Shabaab oo shan askari oo Police ah ku dilay dalka Kenya

Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Ugu yaraan shan askari oo Police ah ayaa lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay gobolka waqooyi-bari ee dalka-Kenya.

Koox hubeysan oo loo maleynayo Al Shabaab ayaa weerarkaasi ku qaaday deegaanka ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana ay bili-liqeysteen dhammaan hubkii ciidamada iyo gawaaridii u yaallay halka lagu magacaabo Alijize oo ku taalla Garisssa.

“Qiyaastii 100 dagallanyahanno oo ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerarka kusoo qaaday deegaanka, waxaana ay qaateen dhammaan waxii ay heli kareen”, sidaasi waxaa sheegay qaar kamid ah dadkii ka badbaaday weerarka.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa intii uu ku jiray Ololihiisa doorashada, waxaa uu booqday Gobolka Lamu, waxaana uu halkaasi ka iclaamiyey hawl-gal ballaaran oo dhanka amniga ah kaasi oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Mr Uhuru, ayaa intii uu ku sugnaa Lamu waxaa uu soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan xarakadda Al Shabaab, waxaana uu u sheegay ciidanka KDF-ta Kenya in ay dilaan dabadeedna la aaso Al Shabaab haddii lagu arko degaannada Lamu.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia