4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2017
Xildhibaanno Jowhar ku shiray oo sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne ku-xigeenka HIrshabeelle

 

Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) -- Xildhibaanno tirsan maamulka Hirshabeelle oo maanta ku shiray magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne ku-xigeenka maamulka Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe.

Maxamed Cabdullaahi Digaale oo ka mid ah guddoon ay xalay doorteen xildhibaannadan ayaa sheegay in kulan ay yeesheen sida uu hadalka u dhigay 69 xildhibaan isku raaceen in kalsoonida lagala noqdo madaxweyne ku-xigeenka ilaa 67 xildhibaan.

Xildhibaannadan ayaa sidoo kale xalay ku dhawaaqay in ay xilka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed iyaga oo doortay guddoon cusub.

 

Kulankoodii maanta ayeey ku sheegeen in ay dhinacooda  soo magacaabi doonaan guddi ka shaqeyn doona doorashada madaxweyne ku-xigeenka.

Arintan ayaa u muuqata mid sii adkeyn doonta xiisada siyaasadeed ee ka dhax taagan maamulka Hirshabeelle oo hadda u muuqda mid labo garab u kala jabay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]