4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2017
Human Rights Watch oo dalbatay in la baaro danbiyaddii Mukhtaar Rooboow intii uu ka mid ahaa Al-shabaab

 

Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) – Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda federaalka in ay baarto dambiyadii uu galay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, kaddib markii maalintii shalay uu la hadlay warbaahinta.

Laetitia Bader oo ah cilmi bare sare oo ka tirsan hay’adda Human Rights Watch oo lagu magacaabo Laetitia Bader ayaa sheegtay in sharciyada caalamiga ay mamnuuc ka tahay in magangelyo la siiyo dadka gala dambiyada waa weyn, iyadoo Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee Al-shababa, intii uu ka mid ahaa uu galay dambiyo.

Waxaa ay sheegtay in Mukhtaar Roobow uu door hoggaamineed ku lahaa weeraro ay geysatay Al-Shabaab, carruur lagu qasbay in la askareeyo iyo tacadiyo kale.

 

“Waa in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameysaa doorkii Roobow, ayna xaqiijisaa kuwii ka dambeeyay dambiyadaas tacadiyadii foosha xumaa ee aanay awooda u laheyn inay ka baxsadaan Cadaaladda”ayay tiri Laetitia Bader oo ka tirsan Human Rights Watch.

Mukhtaar Roobow oo ayaa maalintii shalay kula hadlayay warbaahinta magaalad Muqdisho isaga oo sheegay in uu isaga baxay Al-Shabaab 5 sano ka hor.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]