Wasiirka Boostada oo ammaanay horumarka Jabuuti ay ka gaartay horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta
iyo Tiknolojoyadda dalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda
Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan, ayaa kullamo kala duwan waxaa ay la qaateen
Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti.
kulamadan ayaa waxaa si gooni ah looga wada-hadlay arrimaha xiriirka
Iskaashiga ee dhinaca hirgelinta Heshiiska Boostada Jabuuti “La Poste de
Djibouti” iyo iskaashiga dhinaca horumarinta Isgaarsiinta, Sidoo kale Xubanaha
wafdiga ayaa waxa ay kormeer ku tageen Xarumaha Shirkada Djibouti Telecom iyo
shaldhiga xargaha fiber optic-ga dalka Jabuuti.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Boostada iyo Isgaarsiinta dalka
Jabuuti Mudane Mudane Cabdi Youssouf Sougueh ayaa waxa uu sheegay in ay
doonayaan in ay wada yeeshaan labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti xiriir dhow
ee dhinaca iskaashiga isgaarsiinta iyo Boostada.
Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi
Cashur Xasan ayaa ammaanay horumarka ballaaran ee Dowladda Jabuuti ka samaysay
dhinaca horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga isaga oo
sheegay in ay wax badan ka faa’iideysan doonaan khibradda dowladda Jabuuti.
Wafdi wasiirka, ayaa waxaa shalay si diirran usoo dhoweeyay Wasiirka
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Youssouf
Sougueh, Madaxa Djibouti Telecom Mudane Maxamed Cosoble Buuxe iyo Safiirka
Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan.
Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in
ay kawada hadli doonaan arrimo ku saabsan xiriirka horumarinta Iskaashiga
dhinaca Isgaarsiinta iyo boostada.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia