4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2017
27 qof oo lagu dilay weerarro is-qarxin ahaa oo ka dhacay dalka Nigeria

Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhimatay weerar is-qarxin ahaa oo lagu qaaday suuq ganacsi oo ku yaalla wayoyi-bari dalka Nigeria , sida Police-ka ay sheegeen.

Laba qof oo is-qarxiyaal ah ayaa galay suuqa oo mid kamid ah ay aheyd dumar.

Sidoo kale Tobaneeyo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markay isku qarxiyeen bannaanka xero qaxooti oo u dhow magaalladda Maiguguri ee gobolka Borno, oo ah halka ay aadka ugu badan yihin kooxda Boko Xaraam ee dalka Nigeria ka dagaallanta.

Waxaa aad u kordhayay dagaalka iyo rabshadaha ka dhaca magaaladaasi bilihi u dambeeyay.

Boko Xaraam ayaa dalkaasi ka dagaallameysa tan iyo sanadkii 2009kii, si ay uga hirgeliso dalka shareecada diinta Islaamka.

Baba Kura, wuxuu ka mid yahay ciidamada loo igmaday inay soo afjaraan dagaalka kooxda jihaad doonka ah, waxuuna wakaaladda wararka ee AFP u sheegay maalintii Talaadada in haweeneydii ugu horreysay ay isku qarxisay meel u dhow xerada.

Wuxuu intaasi ku daray in labada dumar ee kalana ay is qarxiyeen waqti dadka ay xirayeen dukaamahooda, halkaas oo uu ka dhashay khasaaraha ugu badan.

Warbixin ay soo sareen baarayaasha Mareykanka ee dembiyada argagixisannimada ayaa lagu sheegay inay tahay kacdoonkii ugu horreeyay taariikhda ee haween badan oo is qarxiya la isticmaalo in ka badan ragga.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia