4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2017
Magaalladda Baydhabo oo laga mamnuucay in ay soo galaan dadka ka yimaada meelaha ay Al Shabaab ka taliyaan

Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Taliska Booliska Magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa ku amray dadka ka yimaada deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab in aysan soo geli karin magaalladda.

“Cidamo badan oo Boolis ah ayaa la dhigay Koontaroolada laga soo galo Baydhabo si ay gaadiidka ugu baaraan”, sidaasi waxaa yiri Col. Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay.

Dadka ka yimaada deegaannada Al Shabaab ay maamulaan ayeey ku sheegeen in ay yihiin dad iyaga xiriir la leh.

“Dadka ka soo qaxaya meelaha Shabaab ay joogaan, ma soo gali karaan Magaalladda, waa Kooxda nabad diidka xaasaskooda ama dad iyaga xiriir la leh”, ayuu yiri.

Bishii September ee sanadkii 2016, ayaa sidan oo kale waxaa maamulka jubbaland uu ku amray xaasaska Al-shabaab inay isaga baxaan magaalladda Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.

Afhayeenkii laamaha amniga ee maamulka Jubbaland, Axmed carab, ayaa xiligaasi u sheegay xaasaska dagaalyahannada Shabaab inay isaga baxaan magaalladda ka hor inta aan lagu qaadin hawlgallo lagu ugaarsanayo.

"Annaga iyo adinka heshiis ma nihin, col baa na dhexyaalla, dil baan naga dhexeeyo, inta raggiina ay duurka ku jiraan oo ay cadow ku yihiin Jubaland naguma dhax jiraysaan ee intaan la idin soo raadinin magaalada isaga baxa''.

Dhinaca kale 23-ka bishii July ee sanadkan Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa sheegay Ganacsatada aada degaanka Tooratorow ama meelaha kale ee Al Shabaab ay ka taliyaan in la qaban doono.

“Ganacsatadii aada ama la arko iyagoo ka imaaneysa degaanka Tooratoorow ama degaannada kale ee Al Shabaab ay joogaan waa la qabanayaa, waxaana lagu sameyn doonaa baaritaanno, haddii ay ku cadaato in ay degaannadaasi ay geeyeen lacago ama ay u xukun tageen, waxaa la soo taagi doonaa maxkamad, hantidoodana waa lala wareegayaa”, ayuu yiri taliyaha.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia