4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Soomaaliya laga ciribtiray cudurka dabeysha


Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabeysha laga cirib tiray guud ahaan dalka Soomaaliya muddadii sadexdii sano ahayd ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabad dowladda ay ku soo bandhigaysay mira dhalka dadaalladii lagu dabar- gooynayey cudurka dabaysha ayaa waxa uu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed, wasaaradda caafimaadka iyo hay’addaha bah-wadaagta la ah sida ay ugu dhabeeyeen higsigoodii ku aaddanaa ciribtirka cudurkan dilaaga ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo, loogana hortagayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay sida ku cad Qorshaha Horumarinta Dalka.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka iyo laamaha caafimaadka in ay u wada istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa in mar kale cudurka dabaysha aanu kusoo laaban dalka.

Guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah ayaa ku timid dadaallo isdaba joog ah oo soo socday in ka badan 30 sano.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]