4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2017
Faah faahin ku saabsan Mukhtaar Rooboow oo tagay degmada Xuddur

 

Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) - Sheekh Mukhtaar Robow Abu Mansuur oo horay u soo noqday Amiir ku-xigeenkii Ururka Al-shabaab ayaa tagay degmada Xuddur kaddib dagaal ba’an oo labadii cisho ee la soo dhaafay uu la gallay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku soo weeraray deegaankii saldhiga u ahaa ee Abal oo ka tirsan gobolka Bakool.

Shiine Macalin Nuurow oo ah Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa VOA u sheegay in Mukhtaar Rooobow Abu Mansuur uu haatan ku sugan yahay magaalada Xuddur halkaasi oo uu soo gaaray saakay.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur galbeed ayaa la sheegay in Mukhtaar Rooboow xalay kula kula yeesheen deegaanka Abal oo ah halka ay ka dhaceen dagaalladii cuslaa ee Al-shabaab iyo Mukhtaar Rooboow kuwaa ugu danbeyntii ku qanciyay Wadaadka in ay u soo kaxeeyaan dhinaca degmada Xuddur.

Bishii Juun ee aynu soo dhaafnay ayaa Roobow laga saaray liiska dad ay si weyn u raadinaysay dawladda Maraykanka, waxaana la sheegay in markaas kadib ay Al-Shabab ay bilaabeen inay ka saaraan degaannada uu ku jiro taasi oo ana u suurtogelin.

Inta la xaqiijinayo ilaa 19 qof ayaa ku dhimatay dagaalladan maalmahan dhexmarayey maleeshiyada Al-Shabab iyo kuwa Mukhtara Roobow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]