4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2017
Ra’iisul Wasaare Khayre “ Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu shaqaalleysiin doonaa 1,000 oo dhallinyaro ah”

Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu shaqaalleysiin doono ku dhawaad 1,000 qof oo dhallinyaro ah.

Md. Khayre, ayaa sheegay in uu dhawaan soo saari doono, warqad ku amreysa guddoomiyaha Gobolka in uu shaqaalleysiiyo dhallinyaro cusub.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal badan ku bixin doonto shaqaalleysiinta dhallinyaradda Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan. Dhinaca kale  dowlad-gobolleedyadda, waxaa iyana lagu amri doonaa in ay shaqaalleysiiyaan dhalinyaradda Soomaaliyeed”, ayuu yiri.

Mudane Khayre ayaa tilmaamay in waxa yar ee la haysto ay u maamuli doonto dawladdu si cadaalad ah, qof kasta oo shaqo soo dalbadana lagu xulandoon kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.

“Waxaan idiin sidaa hadiyad taasoo ah warqad aan berri u soo qorayo Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho kana dalban doono inuu 1000 dhalinyaro ah shaqo-abuur u sameeyo, waana bilow oo dhammaan dawlad Goboleedyadana aan sidaas uga sameyn doono” waxaa uu hadalkaasi xalay ka sheegay munaasabaddii lagu xusayay maalinta dhallinyarada Adduunka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) oo shalay ka qeyb-galay munaasabada xuska maalinta dhllinyaradda Adduunka ayaa yiri “Ma jiro wadan horumar gaari kara hadii uusan helin cududda uu baahan yahay, dhalinyaradda Soomaaliyeedna waa awoodda kali ah ee dalkeenu uu ku faano, sidaas owgeed waa in dhalintu ay dareemaan in ay yihiin madaxdii maanta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomalaiya . 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa balan qaaday in xukuumaddu ay ka shaqeynayso dhiirigalinta dhalinta, kor uqaadida Mustaqbalkooda iyo in loo sameeyo shaqo abuur dhalinyaradda, waxuuna u soo jeediyay Soomaaliyeed in ay mideyaan fikradahoodda wanaagsan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia