4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2017
11 Wasiir oo iska casilay xilkii ay ka hayeen maamulka Hirshabeelle

 

Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in goor dhaw halkaa is casilaad uga dhawaaqeen 11 wasiir oo ka tirsanaa maamulka gobolleedka Hirshabeelle.

Shir jaraa’id oo ay qabteen ayeey ku sheegeen is casilaaddooda wax qabad la’aan iyo in maamulku uu ka gaabiyay howlihii loo idmaday sidaa daraadeed go’aansadeen in ay isaga baxaan.

Hasse ahatee ilo xog-ogaal ah oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa Hiiraan Online u sheegay in is casilaada wasiirradan la xiriirto magacaabista degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo dhawaan u wareegto ku soo saaray madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosbole.

Laakiin dhinaca kale marka la eego mas’uuliyiintan  is casilay shirkooda jaraa’id kuma aysan sheegin ay ka biyo diidan yihiin magacaabista degmooyinka cusub.

Dhamaan xubnahan ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen maamulka ayaa dhinaca kale ah xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle iyaga oo guddoonka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

Horay sidan oo kale xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle ayaa mooshin ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Cismaan Barre Maxamed, hasse ahaatee mooshinkaa ayaa ku dhamaaday wadahadal , iyadoo ugu danbeyntii xildhibaannadii mooshinka wadday ku dhawaaqeen in ay dib uga laabteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]