4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2017
15 qof oo ku dhimatay Pakistan

Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Qarax ka dhacay magaalladda Quetta ee dalka Pakistan ayaa waxa ugu yaraan ku dhintay 15 qof halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarka ayaa waxaa uu dhacay shalay oo Sabti aheyd, sida ay Police-ka sheegeen.

Madaxweynaha dalkaasi Pakistan Mamnoon Hussain, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, waxaana uu yiri “Dhib kasta oo ka dhaca dalkan wuu kasoo kaban doonaa”.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob amaankeedu uu aad u adagyahay dabna la qabadsiiyay gawaari aggaasi u dhowaa.

Magaalladda Quetta ayaa ah caasimad goboleedka Balochisyan oo mar waliba ay bartilmaamedsadaan kooxaha Islamiyinta ah waxana sidoo kale ka dhaca rabshado dambiyadeed.

Afhayeenka dowladda ee Gobolka Bolochistan, Anwar ul Haq Kakar, ayaa sheegay in xaalad adag ay ka taagantahay deegaanka, waxaana uu sheegay in gurmad kast in loo baahan karo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia